Salomon Kalou Oo Guursaday Gabadh Soomaaliya

Xidiga Usafta Xulka Qaranka Ivory Cost ee weerarka uga ciyaara Kooxda Chelsea oo ka mid ah kooxaha ugu awoodo badan Wadanka Ingiriiska kana mid ah kooxaha caalamka Laga qadari Salomon Kalou ayaa la sheegay inuu qabo Gabar soomaali oo degan Wadanka England Magaalada London.

Gabadha Soomaalida ayaa lagu magacaabaa Najax, waxaana ay xayeysiisaa dharka ee Fashion-ka, iyadoo saxaafada Britain ay aad u hadal heyso arrintan oo ah mid warbaahinta ay si weyn uga faalonayeen.

Ciyaaryahan Kalou ayaa horay uga cabanayay waqtiga uu heysta ee nasashada isagoo Hooyadiisa ay korineyso ilaa 8-caruur ah oo ay u badan yihiin Gabdho, waxaana la sheegay inuu jecel yahay cuntada ay kariso Hooyadiis.

Salomon Kalou ayaa hela waqti kooban oo uu kula kulmo saaxibtiis soomaalida ah, waxaana laftigeeda cariiri gala waqtiyada qaar ee ay la kulanto gacaliyaheeda, waxaana iyada qudheeda ka cabataa waqtiyada ay ku jirto howlaha xayeysiinta dharka.

Naadiga Blues oo ka dhisan Magaalada London ee dalka Britain ayaa waxaa u ciyaara ciyaaryahano magac ku leh caalamka , kuwaasoo lacago fara badan lagu soo iibsaday islmarkaan Mushaaro aad ubadan ka qaata Naadiga , iyadoo haatan dardarkii xooganaa ay lasoo gahsay garoonka usuuro galisay inay Darawal ak noqoto Table Of Premier Ship.

Gabadhan Soomaalida ayaa noqoneysa gabadhii u horeysay ee la sheegay inuu guursaday Ciyaaryahan ka ciyaara mid ka mid ah kooxaha heerka koowaad.

Kalou ayaa Qalinka ku duugay Qandaraas Cusub oo gaari doono until 2012 asaga oo Todobaadkii qaadan doono £60,000, Dhanka kale Xidigaani Kalou ayaa kusoo biiray Ciyaartoyda Qandaraaskooda kordhiyesida Didier Drogba, John Terry, Ashley Cole, John Mikel Obi, Florent Malouda, Hilario and Michael Mancienne oo dhamaan sii kordhiye Waqtiga ay sii joogi donaan Naadiga Chelsea ee ku caanbaxday Ka Ciyaarista Garoonka Stanform Bridge.

Fikradaada halkan hoose ka dhiibo…

Filed Under: SomalilandWorld

Tags:

About the Author:

RSSComments (0)

Trackback URL

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.

What is 10 + 7 ?
Please leave these two fields as-is:
IMPORTANT! To be able to proceed, you need to solve the following simple math (so we know that you are a human) :-)