Qarax dhimasho laascaanood

Qarax saaka abaaro 9:30 ka dhacay magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa waxaa ku dhintay Sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland oo lagu magacaabo Cismaan Afdhilo, isla markaana waxaaa ku dhaawacmay tiro kale.
Qaraxan oo ka dhacay Kaantaroolka Bariga ee Magaalada Laascaanood, ayaa waxa lala beegsaday gaadhi ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada J. Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood.


Warkan oo uu noo xaqiijiyey Maayarka magaalada Laascaanood Axmed Daahir oo markii uu qaraxu dhacay aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa noo xaqiijiyey in qaraxaasi jiro, isla markaana uu ku dhintay ninka Sarkaal ah oo magaciisa la yidhaahdo Cismaan Afdhilo. Waxaa kaloo uu noo sheegay Maayarku inay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas, hasayeeshee noomuu sheegeen tirada dhaawacu inta ay tahay.

Sidoo kale Maayarku waxa uu tilmaamay inay hadda socoto hawl-galo baadhintaan ah oo lagu ogaanayo ciddii qaraxaas ka dambaysay, meeshii laga soo magleegay iyo qaabkii uu dhacayba. Qaraxan ayaa ku soo beegmay mar ay todobaadkan shaaca ka qaadeen Kooxda Al-shabaab, oo ku hanjabtay inay weeraro ku qaadayaan wadamo ay mid yihiin Somaliland.

Wixii war ah ee ka soo kordha qaraxaas saaka dhacay magaalada Laascaanood, waxaanu idinku soo gudibin doonaa wararka dambe.

Filed Under: SomalilandWorld

About the Author:

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gujis says:

    Bilaayadu way hurudaa . Lacnadi ha korto kuwa toosiya bilaayada. Waxaana la yidhi, “Xaqaagu wuu ku soo doontaa haddii aad doonan weydo”! Waxa kale oo la yidhi, “Nin soo jabhadeeyay looma jabhadeeyo”!

  2. iman says:

    asc aad iyo aad ban ugu xumanay Qarax dhimasho leh waxayn anig ila tahay dhulbahnte and budland ba Qarax cuz waa muracad somaliland lakiin waa loo arii sid kum hadheyno nink la dilay rag baa u maqan insh allaha

  3. faarax says:

    waxaan ulamyanyaa somaliyaa inladonayoo inlagaawada dhiigoo dhulfodo ah sidaa mantaa muqdisho kujirto wayaa qaraxii muqdisho manta sisiyaar buu u sogadhayaa dhulki nabada ahaa markaa loley siday u socotoo fodo cusub

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.