iimaankeyga Ayaa i Siinaya in Aan Xamilo Dhibta Igu Dhacdey

Qoyskii balaarnaa ee Yusuf Maxamed Maxamuud waxaa ka haray laba wiil oo yar yar kuwaas oo da’doodu tahay 3 iyo sideed jir. Xaaskiisi iyo shan hablood oo uu dhalay waxa ay ku dhinteen masiibadii dabka ee ka dhacdey Rinkby Stockholm, Sweden. Waa imaankeyga midka awooda ii siinaya in aan xamilo karo dhibta. Allaah ayaa i siiyey reerkayga haddana isaga ayaa iga qaadey, ayuu yiri Yusuf.

Yusuf Maxamed Maxamuud waxaa hal mar uu waayey xaaskiisi iyo shan caruur ah oo uu dhalay, waxaa u haray labadiisi wiil Mubashir iyo Mubaarak.

Yusuf waxa uu aadey in uu koob kaffe ah la soo cabo saaxiibkiis. waxa uu ku yiri caruurta guriga gudihiisa ku cayaara wax yar kadib ayaan soo laaban, laakiin dib danbe uma arag xaaskiisi iyo shan hablood oo uu dhalay iyaga oo nool.

- Ma fahmi karo in dhamaantood dabkii ay ku dhinteen ayuu yiri Yusuf.

Markii Joornaalka Aftonbladet uu la kulmay Yusuf Maxamed Maxamuud waxa uu la joogey labadiisi wiil Mubashir 8 jir iyo Mubarak 3 jir.Markii dabku kacay banaanka ayey ku cayaarayeen sidaas ayeyna uga bad baadeen masiibadii ka dhacdey Rinkby Stockholm.

- Ma aan ka qarin karo wiilkayga wayn waxa dhacay, waan u sheegay in uu waayey hooyadiis iyo dhamaan shantii hablood ee la dhalatay.

Codka ayaa ka kala go’ay Yusuf cabaar ayuuna fadhiyey isaga oo aamusan, inta aanu hadalka sii wadan:

- Ma aamnisani in wiilkayga yar uu fahmi karo waxa dhacay. Waa ilmo aad u yar.

Sideed bilood oo Keliya

Dhamaan intii kale qoyska shan hablood oo ay ugu yartahay gabadh sideed bilood jirta, iyo Xaaskiisi, waxa ay ku sugnaayeen guriga marka dabku dhacayo waxa ayna isku dayeen in ay banaanka uga baxaan guriga.

Laakiin taasi may dhicin in ay ka badbaadaan dabka waxaana dhamaantood laga helay iyaga oo yaala jaranjarada guriga dabaqa ah ee ay deganaayeen.

Saacaddu markey ahayd 10:00 fiidnimo Yusuf waxa uu ogaadey in dhamaantood ay dhinteen.

- Waxaan ogaadey in aan waxba samayn karin. Diinteyda ayaa awood ii siineysa in aan xamili karo dhibta igu dhacdey. Allaah ayaa i siiyey qoyskeyga haddana isaga ayaa qaatay.

Yusuf il isku qabad xitaa ma aanu seexan. jirka oo dhan ayaa i damqanaya ayuu yiri Yusuf.

Ku wareegidii Isbitaalada Stockholm

Habeenimadii waxa uu ku wareegay inta badan Isbitaalada Stockholm si uu cadaymo u helo, qoyskiisi ah.

- Waxaan doonaayey in aan arko caruurteydi. Waan awoodi waayey in aan rumeysto dhimashadooda.

Yusuf waxa uu ka hadley saacado ka hor qoyskiisa hal mar ay wada casheeyeen caruurtuna kubad ku cayaarayeen guriga dhexdiisa.

Saacaddu markey ahayd 8:00 fiidnimo ayuu banaanka u baxay si uu ula kulmo saaxiibkiis si ay kaffe ugu wada cabaan centerka Rinkby.

Yusuf caruurtii ayuu macasalaameeyay isaga oo u sheegay in ay ku cayaaraan guriga dhexdiisa.

- Waxaan ku iri caruurta aabe mar dhaw ayuu soo laaban. Guriga gudihiisa ku cayaara, maadaama amnigu sidaas ku jiro. Way qosleen waxayna igu yiraahdeen waa hagaag Aabe.

Teleefon ayaan Direy lagamse Jawaabin

Wax yar kadib waxaa igu soo dhacay telefon, waa mid ka mid ah deriskayga, waxa ay ku qayliyeen in cimaaradii aan deganaa ay gubanayso.

- Waxaan wacay telefoonka gacanta ee xaaskeygi, iyo weliba kii guriga , laakiin lagama jawaabin. Markaas ayaan fahmey in xaaladu aysan caadi ahayn oo ay wax dheceen.

Yusuf waxa uu bilaabey in uu ku ordo dhankii guriga, isaga oo calooshu hureyso.Markii u ku soo dhawaadey guriga waxa uu arkey olol ka soo boodaya dariishada guriga iyo

qiiq madow kaas oo cirka isku shareeray. Waxa ay ahayd sidii isaga oo arkaaya riyo naxdin leh.

Waxa uu Isku dayey in uu Caawiyo

- Waa caruuteydi kuwaa halkaas yaala. Waxaan isku dayey in aan ku ordo oo caawiyo. Laakiin waa la i joojiyey.

- Waxaan awood u helay in aan arko markii kooxda gargaarka deg dega ah ay isku dayayeen

in ay badbaadiyaan noloshooda.

Caruurta waxaa guriga ku weheliyey gabadh ina abtigood ah oo dhawr iyo toban jir ah, way ka badaabdey dabka laakiin weli waxa ay jiiftaa dhakhtarka.

Yusuf iyo labadiisa wiil waxa ay si ku meel gaar ah ula degan yihiin Yusuf saaxiibkiis – waxa ay sugayaan guri kale oo ay u guuraan.

- Waxa aan ku sii negaan doonaa Rinkby. Ma garanayo meel kale oo aan aadno.

Yusuf cabaar ayuu aamusay, isaga oo ilmada isaga tiraaya gacantiisa bidix, muragada iyo ilmadu indhihiisa ayey soo dhaafayeen.

- Waxaan haystaa labadeydi wiil iyaga keliya ayaana ii haray.

Filed Under: SomalilandWorld

About the Author:

RSSComments (0)

Trackback URL

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.

What is 10 + 14 ?
Please leave these two fields as-is:
IMPORTANT! To be able to proceed, you need to solve the following simple math (so we know that you are a human) :-)