Hadraawi iyo qisadii Maryan Mursal
By somalilandpower on Jul 09, 2009 with Comments 0
Faananada Caanka ee Soomaaliyeed Marwo Maryan Mursal Ciise ayaa waxa la sheegay inay cadho cuqdadi dhaamisay kaga dhooftey magaalada Hargeysa ka dib markii ay dugsi waxbarasho oo cusub dhawaan ka dhagax dhigtey xaafada Daami ee magaalada Hargeysa kutaala. Xaafada Daami waa xaafad hargeysa ku taala oo ay degaan Beesha ay fanaanada Maryan Mursal kasoo jeedo ee laga tirada badan yahay.
Socdaalkan ay dhawaaan ku tagtey Fanaanada Caanka ah ee Soomaaliyeed Marwo Maryan Mursal Ciise dalka Somaliland ayaa waxa ay ka danbaysay marti sharaf balaadhan oo ay xukumada somaliland u fidisay fanaanada ka dib markii ay sanadguuradii gooni isku taaga soomaaliland ee bishii May 2009 ay heeso qaranimada somaliland iyo daljacayl intaba iskugu jira ay barta Internetka ku faafisay fanaanadu. Sida lawada ogsoon yahay, socdaalkii ay ku ku aaday magaalada Hargeysa ayaa ahaa mid heer qaran loogu soo dhaweeyey fanaanada isla markaana ay wasiiro dhawr ahi ay kaga hortageen madaarka caalamiga ah ee caasimada Hargeysa.
Mudo ka yar usbuuc ayay ahayd markii ay Maryan Mursal ay shaaca ka qaaaday dhagaxdhiga dugsi waxbarasho oo ay ka dhisayso xaafada Daami ee ay Beesheedu ka degto magaalada Hargeysa iyadoo waliba shirkeeda jaraa’aid ku sheegtey inay dugsigaa ugu magacdari doonto Abawaanka Caanka ah ee Hadraawi.
Hadraawi ayey arintani ku noqotey jiq iyo qaadan waa waxana la sheegay inuu hadraawi dhawr jeer isku dayey inuu masuuliyiin dawlada ka socda u diro fanaanadu inay magaciisa ka dayso dugsiga ay ka dhisayso xaafada Daami. Dadlka aayaa arinkan diidmada ah ee hadraawi iska weydiiyey su’aalo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin : waa maxay sababta hadraawi u yaraysanayo dugsiga ay ku sharaftey fanaanadu? Maxaa ku dhacay odayga hadraawi oo sida la wada ogsoonaa ka qayb qaatey hadal hayntii (Quudhistu qiil maleeyay) iyo su’aalo kale oo xasaasi ah.
Dhinaca kale odayaal dhawra oo beesha Gabooye ka tirsan ayaa la sheegay inay Fanaanada Maryan Mursal Ciise ku qabsadeen sababta ay sanka uga galinayso dugsiga ay ugu magacdarayso Hadraawi oo aan dan iyo muraad ka lahayn waxayna ka codsadeen inay fanaanadu ka noqoto arinkaa isla markaana ay ugu magacdarto Allaha u naxariistee fanaankii caanka ahaa ee Cumar Dhuule oo ka soo jeeday beesha Gabooye ee ay fanaanadu kasoo jeedo.
Diidmada uu Hadraawi diiday in loogu magacdaro0 dugsiga waxbarashada ee Daami ayaa waxa uu ka danbeeyey isla markaana uu muran weyn ka dhalin karaa gabay uu dhawaan Hadraawi ka tiriyey xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Gabooyaha gabaygaa oo magaciisa la yidhaa (Dhulgariir).
Wararka ka imanaya dhinaca Hadraawi ayaa sheegay inuu Abwaanku sheegay dhiniciisa oo uu yidhi ” anigu waan noolahay ee ugu magac dar ragii gabooye ee taariikhda lahaa laakiin aniga ha iigu magac darin. Hadalkan oo sida dadka hargeysa iyo somaliland guud ahaanba qabaan ah midaan ka soconayn odayga ee aduunka jirto dad nool oo loogu magacdaro dhismayaal tariikhi ah oo aduunka ku yaala balse dadka badankiisa ula muuqda diidmo cad oo yaraysi iyo quudhsi labaduba isku weheliyeen.
Fikradaada ka dhiibo halkan hoose.
Filed Under: Featured • News • Somaliland
About the Author:
