Ciid Wanaagsan 18 may Dhamaan Shacabka reer Somaliland
By admin on May 18, 2012 with Comments 0
bismilaah
asalaamu caleykum waraxmatulahi wabarakatu
Mujaahidinta webkan Somalilandpower qora waxay idiin soo dirayaan hanbalo
iyo farxad balaadhan xuska 18 may somaliland
Shacabka reer somaliland meel kasta oo ay joogaan Ciid wanaagsan ku ciida baanu leenahay.
Dhamaan mahadi waxay u sugnaatay Sareeyaha Caadilaka ah ee ina siiyey nabada iyo barwaaqada.
Sawirkani waa shirweynahii 4aad ee Ururka SNM oo ka dhacay sannadkii 1984-kii magaalada Jigjiga. Weyneyso sawirka

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo fadhiya safka dhexe midig, Boobe Yuusuf Ducaale oo isaguna safka hore Midig fadhiya Axmed Siilaanyo ka horeeya, Dhinaca Bidix waxaa ka muuqda Ibraahim Maygaag Samatar, Rashiid Cabdilaahi (Rashiid Gadhweyne), Waxaa Siilaanyo ka danbeeya Cumar Xiinwaal oo alla ha u naxariistee isaguna geeriyooday, Mujaahid Gocase, waxaanu ka codsanayna inta muuqaaladda sawirkani xasuusata inay noo soo gudbiyaan magacyadooda inta dhimatay alla ha u naxariistee iyo inta noolba, waxaad noogu soo gudbin kartaan somalilandpower@msn.com ama halkan hoose ku so qor adoo mahadsan.
Comments
Filed Under: Uncategorized
About the Author:








